Duqa Muqdisho oo la kulmay Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya-(Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuneen Jimcaale (ma daale) ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay safiirka Dalka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Schwartz.

Labada masuul ayaa kawada hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin mataaneynta Magalooyinka Mareykanka Iyo Muqdisho iyo in Muqdisho ay hesho meteladeedda siyaasadeed iyo diyaarinta Maqaamkii Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mundane Yusuf Xuseen Jimcaale iyo Maamulkiisa ayaa lagu ammaanay guusha laga gaaray mashruuca Dalkaaga ku dhiso Hal Dollar, taasi oo ah dardaarankii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu Guddoomiye ?Madaale u faah-faahiyay Bulshada

Guddoomiye Madaale ayaa ka dhawaajiyay in Mashruuca kudhiso Dalkaada hal dollar la gaarsiin doono jaaliyadaha soomaaliyeed ee Dalka dibeddiisa kunool si ay uga qeyb qaataan dib-udhiska Magaalada Muqdisho oo ah xaruntii midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Sheekh Yuusuf Xuneen Jimcaale “Ma daale” ayaa ugu dambeyn wuxuu Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz uga mahad celiyey sida wanaagsan ee ay Dowladdiisu uga go’an tahay in Dalka Soomaaliya dib Cagihiisa isugu taago, looguna soo celiyo nabad iyo baraare.

Ma-daale1 Ma-daale2 ma-daale3 Ma-daale4

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here