Duqa Muqdisho oo maanta Dhagax dhigay wajiga 3 aad ee Waddada Janaraal Daa’uud

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay wajigii 3-aad ee dhismaha waddada Janaraal Daa’uud oo dhaxmarta degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabada gaar ahaan waddada isku xirta Isgoyska Boondheere iyo isgoyska Siinaay oo ah wado aad u burbursan oo isticmaal keeda ay bulshada dhibaatooyin kala duwan kala kulmi jiratay.

Waddadani uu dhagax dhigay duqa Muqdisho ayaa kamid ah waddooyinka ugu isticmaalka badan ee Caadimadda maadama uu ku yaalo Suuqa Weyn ee Siinaay oo kulmiso degmooyinka Boondheere, Warta Nabada iyo Yaaqshiid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here