Duqeyn xagga cirka ah oo lagu dilay horjooge ka tirsan argagixisada Al-Shabaab

Fiidnimadii 16-ka December 2019: Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo kaashaneysa howlgalka Saaxiibada Mareykanka ayaa fulisay duqeyn xagga cirka ah oo ka dhan ah Xagjirka Al-Shabaab meel u dhow Dujumma oo qiyaastii 6Km u jirta magaalada Bu’aale ee Gobalka Jubbada Dhexe.

Waxaa la Xaqiijiyey in hal qof oo Al-Shabaab ah lagu dilay duqeynta.

Sidoo kale waxaa haatan  la xaqiijiyey inaysan jirin qof rayid ah oo waxyeelo kasoo gaartey.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada Mareykanka ayaa wada dadaal dheeri ah si looga hortago waxyeelada soo gaarta rayidka iyo in la horkeeno cadaaladda hogaamiyaasha muhiimka ah ee fuliya weerarada ka dhanka ah shacabka aan waxba galabsan.

Howlgalkan wuxuu muujinayaa ka go’naanshaha  dowladda iyo saaxiibada sii waddida dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo ka shaqeynta sidii loo gaari lahaa amni iyo xasillooni waarta guud ahaa  dalka Soomaaliya.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here