Duqo Muqdisho oo booqday goobihii uu sameeyay Roobkii magaalada Muqdisho ka da’ay “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta kormeeray qaar kamid ah goobihii uu sida gaarka ah u sameeyay Roobkii magaalada Muqdisho ka da’ay dhowrkii saac ee lasoo dhaafay.

Wadooyinka Caasimadda oo uu kormeerka ku tagay Guddoomiye Cumar Filish ayaa waxaa ka socday howla ay dowladda hoose ee Xamar Biyaha uga saarayeen goobihii uu Roobka biya dhigay si loo fududeeyo isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha wadooyinka Caasimadda ee Muqdisho.