Elman oo aan adkaan afar kulan oo xiriir ah

Kooxda Kubada Cagta Elman ayaa la kulantay Guul daradii lixaad toban kulan oo ay ciyaartay Horyaalka Premier League Somalia.

Elman waxaa ay ciyaartay kulankii ugu horeyay ee wareega labaad horyaalka Soomaaliya waxaana kulankaan ay fooda isku dareen garoonka Banaadir ee Degmada C.Casiis,

Ciyaarta oo ahayd mid dar dar ay la soo gashay Elman ayaa waxaa u suurta gashay in ay dhaliso mid ka mid ahaa goolasha ugu quruxdaa badnaa ee laga dhaliyay horyaalka hase yeeshe Heegan oo dib ka soo dagaalantay ayaa waxaa ay ku badashay goolkii laba gool.

Nyazi Ronaldo oo ka mid ah xidigaha ajaanibta eek u sugan horyaalka soomaaliya isagana soo dhaqaaqay kooxda Elman ayaa Heegan u suurta Galiyay Sadexdii dhibcood oo ay kula dagaalantay Kooxda Elman.

Nyazi Ronaldo ayaa ka dhaliyay goolkisii afaraad kooxda Elman laba kulan uu la ciyaaray kooxda tan iyo markii uu kooxdaasi ka soo dhaqaaqay bilowgii horyaalka.

24/01/2018 Kulan Elman 4-2 guuldaro ah ay kala kulantay kooxda Heegan wareegii hore horyaalka ayaa Nyazi waxaa uu ka dhaliyay sadexleey  kooxdisii hore ee Elman ayadoo kulankii labaad uu ka hortagayna uu ka dhaliyay goolkii looga adkaaday kooxdisii hore ee Elman FC.

Heegan haatan waxaa ay soo buuxisay booska sadexaad oo ay kaga jirtay Kooxda Banaadir oo Jimcaha Horseed Kula Balansan Garoonka Banaadir.

Wareegi hore ee horyaalka soomaaliya kooxda Elman FC sagaal kulan oo ay ciyaartay  waxa ay la kulantay shan guul daro waxaana taasi ay ka dhigan tahay in Elman aysan ka mid ahayn afarta kooxod ee ugu sareysa.                                         

Afarta kooxod ee ugu sareyso horyaalka soomaaliya ayaa ah kooxaha loo saadalinayo hanashada horyaalka soomaaliya balse afartaan ayaanan ka mid ahayn kooxda Elman oo ka mid ah kooxaha ugu guulaha badan gudaha soomaaliya waana mid ka mid ah kooxaha ugu caansan horyaalka soomaaliya.

Dhamaan afarta kooxod ee ugu sareysa horyaalka waxaa ay ka wada adkadeen kooxda Elman kulamada ay wada ciyareen horyaalka soomaaliya kooxda Heegan oo labadii waji ee horyaalka ay la ciyaartay ayaa ka adkaatay waana kooxdii ugu danbeysay oo ka adkaatay kooxda Elman Fc

                    KOOXAHA KA ADKAADAY ELMAN FC

28/03/2018        Elman FC           1 : 2         Hegaan SC

22/03/2018       Horseed S.C        2 : 0       Elman FC

01/03/2018       Elman FC              1 : 4       Batroolka FC

13/02/2018       Elman FC              2 : 6       Banadir S.C

05/02/2018       Dekedda SC        1 : 0       Elman FC

24/01/2018       Heegan S.C          4 : 1       Elman FC

Toban kulan oo ay ciyaartay kooxda Elman kooxaha Horseed iyo Dekada ayeey ku guul dareysatay in gool ay dhaliso hase yeeshe waxaa ay soo taabatay shabaqada dhamaan kooxaha kale ee ku tartamaya horyaalnimada soomaaliya xili ciyareedkan.

Elman xili ciyaareedkan waxaa ay la kulantay guul darooyinkii ugu badnaa oo kooxda ay la kulanto wareega hore  ee horyaalka soomaaliya.

Xili ciyareedkii hore oo Dekada ay ku guuleysatay horyaalka soomaaliya ayaa kooxda Elman 12 kii kulan ee ugu horeyay ayaa waxaa laga dhaliyay 7 gool oo quraa ayadoo haatan wareega hore laga dhaliyay 20 gool.

Kooxaha ka adkaaday Elman Lixda kulan oo ay lumisay xili ciyareedkan ayaa waxaa ay kala kulantay afarta kooxod ee ugu sareyso horyaalka iyo kooxda Batroolka sidoo kale Elman ayaa waxaa laga dhaliyay 22 gool shan iyo toban ka mid ah waxaa ka dhaliyay afarta kooxod ee ugu sareysa horyaalka soomaaliya taasi ayaana ah halka ay ku liidato kooxda Elman oo aanan ka adkaan wali koox ka dhibco sareyso.

ELMAN FC IYO AFARTA KOOXOD EE UGU HOOSEYSA HORYAALKA

16/03/2018       Elman FC              2 : 2       Jeenyo FC

09/03/2018       Elman FC              3 : 0       Gaadiidka FC

21/02/2018       Elman FC              5 : 1       Madbacadda FC

30/01/2018       Waxool FC           0 : 4       Elman FC

Elman ayaa ka heshay afarta koxood ee ugu hooseysa horyaalka soomaaliya dhibcaha haatan ay leedahay ee Tobanka ah waxaana kooxda ay qasaarisay lix kulan oo laga adkaatay ayadoo sidoo kale ay dhalisay 19 gool halka  laga dhaliyay 22 gool.

Kulanka soo socda waxaa ay la ciyaari doonta kooxda waxool oo ka mid ah labada kooxod ee ugu hooseya horyaalka premier league Somalia.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here