Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya oo cambaareeyay weerarkii Garoowe.

733

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya  ahna madaxa AMSIOM Danjire Maman Sidikou ayaa cambaareeyay weerarkii lagu qaaday gaari Qaramada Midoobay oo marayay magaalada Garoowe taas oo ka dhalatay dhimashada shaqaalaha gargaarka oo aan waxba galabsan, waxaana weerarkaasi mas’uuliyadiisa sheegtay kooxda Argagaxisada ee UGUS.

Danjire Sidikou ayaa sheegay in kooxda UGUS ay beegsadeen shaqaale aan hubeysaneyn oo gudanayaya waajibaakooda ah caawinta dadka Soomaaliyeed waxaana weerarkan uu kamid yahay ficilada ka dhanka ah bani’aadniminada.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliyaayaa tilmaamay in Midowga Afrika iyo bulshada caalamka aysan niyad jabin doonin weerarada naflacaarinimada ah oo ay geysanayaan kooxda UGUS isla markaana waxba u dhimi doonin horumarada siyaasadeen iyo amniga oo ay ka sameeyeen  Soomaaliya.

Isagoo tacsi u direy Ehelada iyo asxaabta dadkii naftooda ku waayay weerarkan waxaa uu sidoo ilaah ugu bariyay kuwa dhaawacmay in ay si dhaqso leh u caafimaadaan.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here