Ergo ka socota Ceeldheer iyo Guriceel oo Cadaado lagu soo dhaweeyay”SAWIRRO”

0
3199

Ergadan ka socotay magaalooyinka Ceeldheer iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud ee soo gaaray magaalada Cadaado, waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Ximan iyo Xeeb iyo odayaal dhaqameed deegaanka ah.

Waxgaradkan ayaa loo samyeeyay munaasabad soo dhawayn ah, waxaana ay sheegeen inay u yimaadeen ka qaybgalka shirka maamulka loogu samaynayo Mudug iyo Galgaduud oo dhawaan Cadaado ka furmaya.

Nabadoon Cali Warsame Odawaa iyo Dr Liibaan C/llahi Sh Xasan Wadalaan oo ergadan hogaaminayay ayaa sheegay inay aqbaleen baaqii dawladda Soomaaliya ee ahaa in Cadaado la tago.

Wasiirka arrimaha bulshada Ximan iyo Xeeb Cumar Maxamed Diiriye ayaa sheegay in ergooyinka  cusub ee imaanaya ay soo dadajinayaan in shirku dhawaan furmo ka maamul ahana ay  u diyaar garoobeen soo dhawaynta ergooyinka.

DSC03006 DSC03008 DSC03009 DSC03010 DSC03012 DSC03013 DSC03014 DSC03015 DSC03020 DSC03024

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here