Ethiopia oo burburisay goobo muhiim u ah ciidanka gobolka Tigreega

Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in ay burburisay goobo muhiim u ahaa ciidanka gobalka Tigreega ee TPLF

Taliyaha ciidanka cirka Ethiopia Sareeye Gaas Yilma Merdassa  ayaa sheegay in ciidankiisu duqeeyeen goobaha keydka shidaalka iyo hubka u ah kooxda TPLF.

Talaabadan ayuu ku sheegay mid lagu wiiqayo waxa uu ugu yeeray danbiilayasha baxsadka ah, isla markaana cadaallada lagu keenay madaxdooda.

Dagaalka u dhaxeeya ciidanka dowlada Ethiopia iyo kuwa maamulka Tigreega ee TPLF ayaa galay maalinkii sideedaad.

Dowladda aya guula ka shaeeganeysa dagaalka, waxaana ciidankeedu shalay qabsadeen garoonka diyaaradaha ee muhiimka ah ee Humera.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here