Ethiopia oo duulimaadyada ka joojisay qaar ka mid ah magaalooyinka Gobolka Tigreega

Waaxda duulista ee Ethiopia ayaa sheegtay in la xiray garoomada diyaaradaha magaalooyinka Mekelle, Shire, Axum iyo Humera.

Qoraal kooban oo hay’adda duulista Ethiopia ka soo baxay ayaa lagu sheegay in duuliye yaasha iyo shaqaalaha kale ee duulimaadka arintan lagu wargaliyay.

Waaxdu faah faahin dheeri ah kama bixin sababta balse waxaa loo maleeyaa in ay la xiriirto xaalada deg dega ah ee Dowladu ku soo rogtay Gobalka Tigreega ee Waqooyiga Ethiopia.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here