Xildhibaan Baantuu oo Muqdisho lagu aasay”SAWIRRO”

2605

Aaska ala ha u naxariistee Xuseen Maxamed Muuse {Baantuu} ayaa waxaa uu ka dhacay  Qabuuro ku dhex yaala Isbitaalka Madiina Ee magaalada Muqdisho waxaana ka qayb galay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya,qaar kamid ah odayaasha dhaqanka,dhalinyaro iyo saraakiisha Ciidanka amaanka .

Mas’uuliyiinta ka qayb gashay ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Maxamed Cumar Ceymooy  Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Cabdulahai Colaad Rooble iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Marxuumka ayaana salaada janaasada  lagula tukaday Gudaha isbitaalka.

Qaar ka mid ah Odayaahsa dhaqanka ee ka qayb galay Aaska Ex Xildhibaan Baantuu iyo Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa tacsi u diray Ehelada uu ka baxay Marxuumka iyo Guud ahaan Umada Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Ceymooy ayaa dhankiisa uga tacsiyeeyay Bulshada Soomaaliyeed Geerida ku timid Xildhibaanka waxaana uu alaah uga baryay in uu naxariistiisa siiyo.

Ex Xildhibaan Xuseen Maxamed Muuse {Baantuu} ayaa shalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho waxaana la sheegay in uu dhawaanahaanba xanuunsanayay Marxuumku.

IMG_7132 IMG_7133 IMG_7134 IMG_7135 IMG_7136 IMG_7137 IMG_7138 IMG_7139 IMG_7140 IMG_7141 IMG_7142 IMG_7143 IMG_7145 IMG_7147 IMG_7149 IMG_7150 IMG_7151 IMG_7152 IMG_7153 IMG_7155 IMG_7157 IMG_7158 IMG_7159 IMG_7160 IMG_7161 IMG_7162 IMG_7163 IMG_7164 IMG_7165 IMG_7166 IMG_7167 IMG_7168 IMG_7169 IMG_7170 IMG_7171 IMG_7172 IMG_7173 IMG_7177 IMG_7178 IMG_7179 IMG_7188 IMG_7189 IMG_7190 IMG_7191 IMG_7196 IMG_7197 IMG_7207 IMG_7218 IMG_7219 IMG_7220 IMG_7232

Sawir Qaade: Qadar Calli Nuur

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here