Faah Faahin ku saabsan Wadahadaladii Puntland iyo Galmudug ee Magaaladda Gaalkacyo.

1163

Shirkani oo ujeedkiisu yahay amba qaadista xoojinta nabadeynta bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug,iyo deegaanada hoosyimaada oo ay ka jireen dhibaatooyin soo noq noqday ayaa ka soconaya magaalada Gaalkacy.

Waxaaa goob joog ah madasha shirkan dib u heshiisiineed madaxweyen ku xigeenka Galmudug Max’ed Xaashi Cabdi iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji C/llaahi Cumar Camey,kaasi oo la filayo in laga soo saaro go’aano ku aadan nabad ku wada noolaanshaha bulshooyinka Galmudug iyo Puntland ee deegaanadaasi wada dega.

Shir Jaraa’id oo ay ku wada qabteen Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo gelinkii dambe ee Isniintii ayay labada madaxweyne ku xigeen waxay ku faah faahiyeen ujeedada shirkaasi.

“Maxmed Xaashi Cabdi , Waxaan halkani u nimid aniga iyo madaxweyen kuxigenka Pntlan, in aan amba qaadno hehsiisyadii nabadda ee Gaalkacyo, sida aad la socotaan Gaalkacyo waa magaalo soomaaliyeed oo labada shacab ay ku wada noolyihiin,waxaana ka wada hadlaynaa dib u eegista wixii ka qabsoomay heshiisyadii hore, runtii magaaladu nabad ayay u baahantahay,waxaa jiray arqalado soo laa laabtay, diyaar ayaan u nahay nabadda waxaan ka codsanaynaa Qurba joogta in ay kaalintooda ka qaataan nabadda.” Ayuu yiri madaxwyen kuxigeenka Galmudug.

“Waxaanu ka sii wada hadlaynay waxyaabaha loo baahanyahay ee nabadda hirgelinteeda ah,siida uu sheegay Maxamed Xaashi Cabdi, intaasi ayan isla soo hadal qaadnay, waan isku afgaranay,waxaa loo baahanyahay mas’uuliyada waxyaabihii la isla gartay ah,wadashaqeyn ayaa loo baahanyahay qofkaska wuxuu u baahanyahay nabadda,wadadii ayaanu haynaa,waxaana ugu baaqeynaa shacabka labada maamul ee walaalaha ah in ay nabadda ka wada shaqeeyaan”, Sidaasina waxaa yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Waxaa muuqanaysa ifi faalo nabadeed oo ay ku wada noolan karaan bulshada ku nool magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada kale,islamarkaana la soo afjaro rabshadaha soo laalaabtay,horey waxaa u jirey heshiisyo nabadeed, kuwaasi oo waxtar u noqday bulshada labadda dhinac.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here