Fanaaniin iyo Abwaaniin Soomaaliyeed oo Ka Tacsiyeyay Geeridii Maxamed Axmed Kuluc “SAWIRRO”

2616

Bahda faanka iyo Suugaanta ee dalka Kenya iyo Ustaad Axmed Naaji Sacad ayaa Caawa ummada Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geeridii shalay ku timid allaha u naxariistee Fanaankii Soomaaliyeed Maxamed Axmed Kuluc.

Ustaad Axmed Naaji Sacad oo ay isla soo shaqeeyeen Maxamed Axmed Kuluc ayaa ka sheekeeyay tariikh nololeedka iyo waxyaabihii ka yaqaanay allaha u naxariistee Maxamed Axmed Kuluc.

Dhamaan fanaaniintii iyo abwaaniintii goobta ka hadlay ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray caruurtii,eheladii,asxaabtii iyo dhamaan ummada soomaaliyeed oo uu ka geeriyooday allaha u naxariistee Maxamed Axmed Kuluc.

Allaha u naxariistee Maxamed Axmed Kuluc oo shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa ayaa maanta lagu aasay isla magaaladaasi.
1

2

3

4

5

6

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here