Fanaaniinta Hodan C/raxmaan iyo Axmed Rasta oo Muqdisho soo gaaray

1
5161

Labadan fanaan  ee kala ah Axmed Rasto iyo Hodan Cabdiraxmaan,oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho waxaa soo dhaweyay wasiir ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta , Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka,hobalada qaranka Waabari,iyo dadweyne Soomaaliyeed.

Hodan iyo Axmed  ayaa isla maanta waxaa ay tageen xarunta golaha murtida iyo mada daalada qaranka ee National Theatre.

Fanaaniinta oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbaxiyay  imaasha magaaladda Muqdisho iyo ujeeda ay u yimadeen dalka.

Guddoomiyaha hey’adda wacyigalinta bulshada Soomaaliyeed ee CCA Maxamed Cajiib oo u suurtagaliyay fanaaniintan in ay yimaadan wadanka ayaa  sheegay.

Xidlhibaan Maxamed Cumar Dalxa Iyo Khadiijo  Maxamed Diiriye ayaa hoosta ka xariiqay in fanaaniinta ay yihiin  jiheeyiyaasha umadda  isla markaana loo baahan yahay in ay wacyigeliyaan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumada Cabdilaahi Colaad Rooble ayaa  tilmaamayay in wasaaradda warfaainta dhaqanka ay aad u sood dhaweynayso fanaaniinta dib dalka ugu soo laabanaya.

Sidan oo kale waxaa horey dalka ku soo laabtay  fanaaniinta Soomaaliyeed ee  ku nool qurbaha, waxaana dhowaan la fileyaan in magaalada Muqdisho ay ku qabtaan bandhig faneedyo.

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. masha allah fanaaniinta soomaaliyeed oo maanta soo gaaray caasimada dalkeena hooyo ee mogadisho waan soo dhaweynenaa waana fanaanin aan aad ujeclahay oo aan codkoda aad umacaan yahy #SLAMA INTA SAMAHA JECEL # THANKS IN BADAN#

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here