Daawo Sawirrada: Fanaaniinta Xidigaha Geeska oo xalay wacdaro ka dhigay Muqdisho

1
18338

Masraxa Markii ay soo dul istaageen fanaaniinta kala ah Cabdiraxmaan Oday, Maxamed Bakaal Cirro, Xamdi Cabdi Qu’een Dayax dal Nuurshe, Nimcaan Cabdiraxmaan Hillaac ayaa durba waxaa isbadalay jawiga goobta oo markii hore ahaa mid iska caadi ah kaddib fannaaniinta ayaa guda galay maqashiinta dadka dhawaqa muusikada iyo heesaha ay caanka ku yihiin.

Iyadoo intaas kaddib dadku ay mid mid u Cayaarayeen islamarkaana ku qanacsan jawiga iyo isbadalka ka jira Caasimadda oo ahaa mid guud ahaan inta soo baxday ay ku faraxsanaayeen.

Fanaaniinta Xidigaha Geeska ayaa goobta dadka daawanayay uga sheegay inay Muqdisho imaan doonaan fanaaniin kale oo xidigaha ah islamarkaana ay ku qancin doonaan heesahooda, iyagoo aad ugu mahadceliyay dadka reer muqdisho una rajeeyay Nabad waarta iyo Caafimaad.

Dadka qaar oon la hadlay ayaa isheegay inay aad ugu faraxsan yihiin habka ay ku billaabatay Showga fanaaniinta Xidigaha geeska iyagoo dareemayay dadkaas farxad aan la soo goobi Karin.

Muqdisho aya marti galisay sannadihii la soo dhaafay dad caan ah oo isugu jira fanaaniin iyo mas’uuliyiin Heer caalami ah taas oo ka dhigaysa in Soomaaliya ay Cagta saartay waddadii horumarka.

fanaaniin-1 fanaaniin-2 fanaaniin-3 fanaaniin-4 fanaaniin-5 fanaaniin-6 fanaaniin-7 fanaaniin-8 fanaaniin-9 fanaaniin-10 fanaaniin-11 fanaaniin-13 fanaaniin-14 fanaaniin-15 fanaaniin-16fanaaniin-8

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. Mashable Allaah wada-jirka ummadda soomaaliyeed. Qurux-Badanaa! oo heybad Iyo qiima Weynaa Allahayow ummaddan Quluubtooda middle ! Danahoodana midee ! Aamiin Soomaali ha noolaato oo ha midowdo.Wa billaahi towfiiq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here