Fly Dubai oo duullimaadyo ka bilowday Soomaaliya

0
2413

Shirkadda Fly Dubai ee laga leeyahay dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa duullimaadkeedii ugu horreeyay  ku tagtay magaalada Hargaysa ee xarunta gobolka Woqooyi Galbeed.

Waxaa bilow u yahay duullimaadyo Afar ah oo ay toddobaad kasta  Fly Dubai ku imaan doonto Hargaisa.

Fly Dubai waxa ay ku jirtaa diyaaradaha heer caalami, waxaayna duullimaadyo ku tagtaa in ka badan  200 oo magaalo oo dunida ah.

Bilowga Duullimaadyada Fly Dubai ee Soomaaliya ayaa imaanaya 3 maalmood ka dib booqashadii uu wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka Cabdalla Bin Zaayid ku yimid Soomaaliya, isagoo madaxda qaranka kala hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Shirkado Caalami ah oo ay ka mid tahay Turkish Airlines ayaa duullimaadyo joogto ah ku yimaada dalkeena oo ka soo kabanaya colaadihii sanado badan ka jiray, halka shirakdo kalena ay dhowaan bilaabi doonaan duullimaadyo ay ku imaanayaa magaalooyinka kala duwan ee dalka.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here