Gaalkacyo: Qoysas barakacayaal ah oo ka cawday xaalado nololeed

0
788

Inkastoo ay jiraaan gurmadyo ay ka helaan hay’addaha samafalka kumanaanka qoys ee barakacayaasha ee ku nool deegaanka Xaar-xaar ee duleedka bari ee magaalada Galkacyo ayaa haddana qoysaskaasi oo qaarkood Warbaahinta Qaranku ku booqatay goobta ay ku nool yihiin waxa ay sheegeen in ay gurmadyada ay ka helaan Hay’adaha samafalka iyo maamulka Galmudug aysan ahaeyn kuwa kaafin kara noalshooda.

Qoysaskaan oo isugu jira barakacayaal muddo 10 sano ka badan qaarkood soo gaaray magaalada Gaalkacyo kana soo hayaamay gobalada dalka qaarkood iyo qoysas ay soo barakiciyeen abaarihii dalka ku dhuftay sanadihii u danbeeyay ayaa sharaxaad dheer ka bixiyay baahiyada ay qabaan sida ay u maareyaan nolasha qoysaskooda iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin Amniga, Waxbarashada iyo Caafimaadka

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka deegaanka Xaar-xaar oo aan la kulmay¬† ayaa iyana dhankooda uga waramay Warbaahinta Qaranka xaaladaha guud ay ku nool yihiin qoysaska halkaasi ku nool oo ay sheegeen in ay gaarayaan ku dhawaad 7 kun oo qoys oo isugu jira barakacayaal hore iyo kuwo cusub.

Abdi Rizak Mohamed Ahmed


 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here