Gaari watay Taariko been abuur ah oo la soo qabtay

Xarunta qeybta taliska nabadgaliyada wadooyinka ee Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu soo bandhigay gaari nuuca yar yar ah oo sida la sheegay  watay Taargo been abuur isla markaana ciidamada Amniga ay ka soo qabteen saldhiga galbeed ee degmada Dharkenley.

Taliyaha Ciidanka qeybta nabadgaliyada wadooyinka ee ciidanka Boliska Soomaaliyeed Janaraal Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in gaarigan ay soo bandhigeen ay la haayeen Maleeshiyada Kooxda Al-Shabaab isla markaana lagu fliyay dilal ka dhacay magaalada Muqdisho.

“Gaarigan siduu noo sheegay Taliyaha Qeybta Galbeed wuxuu dad ku laayay degmada Wadajir baabuurkan wuxuu u shaqeynayay qaab taxi oo kale ah wuxuu saaranayay calaamadan waxaa layaab leh in taargadiisuna ay tahay mid maduufiko ah oo sidaa u jeediin gasac caanabore iyo Xaashi leysku dhajiyay waa dad ku talagalay inaa taargadooda dib loo raacin ama aan la baarin”, ayuu yiri taliyaha.

Taliyaha Ciidanka Qeybta nabadgaliyada wadooyinka ee Ciidanka Boliska Somaaliyeed ayaa sheegay in Maleeshiyadii gaarigan dadka ku dili jiray ay baxsadeen balse hal nin laga dhaawacay maleeshiyadaasi intii uu socday howlgalka lagu soo qabtay gaariga watay Taargada Been abuurka ah.

Dhinacakale Janaraal Cali Gaab ayaa digniin adag u diray shirkadaha wax daabaca oo la aaminsan yahay in midkood ay daabacday taargada been abuurka ah ee maanta lasoo bandhigay.

kuwa taargooyinka waxaan leeyahay hadaa nabad diidka u sameysaan markii la qaabto idinkaa leydin soo kor taagayaa danaana u sheegi doontaan markaas sharcigana waxaa ku muteysataan ayaa leedihiin” ayuu mar kale sheegay taliyaha.

Soo qabashada gaariga la sheegay inay lahaayen Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa imaaneysa xili Ciidamada Nabadsugida iyo Booliska Somaaliyed lagu arkayo Wadooyinka waa weyn ee caasimada Muqdisho iyagoo adkeynaya Ammaanka si ay uga hortagaan falalaka Amni darada ah ee mararka qaar ka dhici kara magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here