Galmudug oo Canshuurta ku kordhineysa Jaadka/Qaadka iyo Sigaarka soo gala deegaannadooda

Wasaarada maaliyadda dowlad goboleedka Galmudug ayaa saxiixday xeerka Dakhliga Galmudug oo dhigaya habka qaadista nuucyada kala duwan ee Canshuuraha.

Xeerkan ayaa lagu dhimay Canshuuraha laga qaado Gaadiidka iyadoo sare loo qaaday Canshuuraha laga qaadayo Jaadka/qaadka iyo Sigaarka soo galaya Galmudug, sidoo kale dhamaan heerarka nolosha ayaa lagu soo rogay canshuuro kala heerar duwan oo bilaabanaya isla barito .

Galmudug ayaa muujisey in daqliga soo xarooday sadaxdii bilood ee u dambeeyay uu saamaxay in Dowladu bixiso dhamaan Mushaaraadka Shaqaalaha Dowlada oo ay ku jiraan Xildhibaanada, wasiirada iyo Shaqaalaha kale ee xafiisyada Dowlada .

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here