Ganacsatadii ay u rarneyd dooni dhowaan ku degtay xeebaha Imaaraadka oo ka warbixiyay

0
1349

Mas’uuliyiinta shirkadda Al- Nuur Al- Mustaqiim oo fadhigeedu yahay dalka Isu taga Imaaraadka Carabta ayaa markii ugu horeysay waxaa ay ka warbixiyeen dooni u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed oo dhowaan ku degtay xeebaha dalka Imaaraadka Carabta.

Gudoomiyaha shirkadda Al- Nuur Al- Mustaqiim  Maxamed Xuseen Dhiblaawe oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa sheegay in doonidan laga la ambabaxday dekada magaalada Dubai isla markaana ku sii jeeday magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo ay saarneyd hanta lagu qiyaasay labo Milyan oo doolar ayaa ku degtay goobta lagu magacaabo Ra’sul kheymar oo kamid ah xeebaha Imaaraadka Carabta.

“Waxaa nalagu soo wargeliyay 2:30 uu shil dhacay ayada iyo markab isku dhaceen arintaasna wali baaritaankeeda waa uu socdaa dowladda ayaana gacanta ku heysa wixii ka soo baxana waan argi doonaa dowladda Imaaraadka ayaa laga sugaa insha’alahu tacaalaa” ayuu yiri Dhiblaawe.

Dhiblaawe ayaa sidoo kale sheegay in uu dhamaan dadkii Soomaaliyeed oo alabta doonidaasi wax ku lahaa ay u rajaynaayo in uu Ilaahay bedel kheyr qaba uu ka siiyo.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here