Garoowe waxaa ka furmay shir looga hadlayo xaalufinta deegaanka

0
1065

Dawlad-goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed  Soomaaliiya ayaa magaalada Garoowe waxaa uga furmay shir ku saabsan ka hortagga xaalufinta deegaanka guud ahaan Soomaaliya, sidoo kale waxaa shirkaas looga hadlayaa is dhex galka iyo wada shaqeynta maamullada.

Wasiirka Deegaanka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa ugu horreyn ka hadlay furitaankii shirka wuxuuna ka warbixiyey muhiimadda loo qabtay shirka.

“ujeedka ugu weyn ee aan halkaan isugu nimid waxa weeye sidii hay’adaha qaabilsan deegaanka ee maamulada ka jira Soomaaliya ay iskaashi dhab ah u yeelanlahaayeen, runtii dhibaatooyinka haysta deegaanka kuma koobna gobol kaliya, kuma koobna maamul kaliya waa dhibaato u baahan in is kaashi dhab ah laga sameeyo wax allaale iyo wixii wada jir wax looga qabankarona iskaashi looga qabto”. ayuu yiri wasiirka Guuleed.

Wasiirka Macdanta iyo Batroolka ee maamulka Jubbaland  Cabdi Nuur Cali Aadan ayaa isna ka hadlay furitaankii shirkaas, wuxuuna yiri.

“Runtii shirkan shir aad u qiima badan weeye, waxaana aad ugu faraxsannahay inaan maanta ka tashanayno sidii deegaanka loo badbaadin lahaa, oo aan ka tashanno danaheenna, waana horumar weyn, dhibaatada ugu badan waxay ku dhacday deegaanka dadka kaliya dhibaatadu kuma dhicin”. sidaasi waxaa yiri wasiirka Macdanta Jubaland.

Wasiirka deegaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamuud Maxamed Macalin oo isna ka hadlay shirka ayaa ugu ugu horeyn ka mahadceliyey soo dhaweyntii Garoowe loogu sameeyey, wuxuuna xusay in maamulka Koonfur Galbeed uu yahay maamul cusub,isla markaasna ay u baahanyihiin in la garab qabto.

“Maamulka Koonfur Galbeed waa maamul cusub waxaa uu u baahan yahay in la garab staago waana ku faraxsan nahay sida balaaran oo soo dhaweynta naloogu sameyeey”. ayuu sheegay wasiirka Deegaanka Koonfur Galbeed.

Shirka maanta Garoowe uga furmay maamullada ayaa la filayaa inuu socdo muddo dhawr maalmood ah , iyadoo lagu falanqeynayo sidii dalka looga joojin lahaa xaalufka, wuxuuna ku soo beegmay iyadoo deegaannada qaar ay ka socoto dhuxul gubidda oo lagu tilmaamo xaalufdinta ugu daran ee dalka ka socota.

 

Cabdi Xasan Awoowe

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here