Gelinsoor: Xerada ciidamda ee Dhaan-Karoone oo dib u dhis lagu sameynayo

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka ee Qaybta 21.aad Gaashaanle Sare Xuseen Xoosh ayaa maanta daah furay qorshe lagu dhisayo Gaaska Xerada Dhaan-Karoone ee magaalada Galinsoor ee Gobolka Mudug.

 

Qorshaha Dhismaha iyo Dayac tirka Xerada Tababarka Ciidamada Qalabka sida Gaaska 11aad ee Dhaan-Karoone oo ka Tirsan Xeryihii Taariikhiga ahaa ee Qaybta 21aad oo horay uu u balan qaadey dhismeheeda Taliyaha Qaybta 21aad Sareeyo Guuto Yuusuf Kaanti xili uu kormeerkii koowaad ku marayay Xeradaasi ayaa maanta waxaa si rasmi ah howsha dhisme ee Xerada u daah furay Kusimaha Taliyaha Qaybta 21aad ahna  Abaanduulaha Qaybta  Gaashaanle Sare: Xuseen xoosh iyo Madaxa Howlgalinta Qaybta Gaashaanle Dhexe Abdilqaadir Maxamed “Gasaawe”.

Saraakiisha oo ay Wehliyaan Maamulka Galinsoor ayaa goob joog u noqdey bilaabida carratuurka wareegga ah ee xerada, iyadoo intaa kadibna la bilaabi doono dayactirka dhismayaashii hore ee xerada iyo diyaarinta Aagii Gaadiidka iyo Tababarada Ciidanka Qalabka sida.

Guddoomiyaha deegaanka Galinsoor Xirsi Muuse Maxamed iyo Cabdiqaadir Macalin Cali oo ka tirsan Gudiga Ganacsatada Galinsoor ayaa ugu horeyn howshan tilmaamay intahay mid bilow u ah dib u dhiska xarunta.

Gaashaanle Sare: Xuseen Xoosh Ku-simaha  Taliyaha Qaybta 21aad ahna  Abaanduulaha Qaybta  ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyey reer Galinsoor soo dhoweynta ay u sameeyeen Ciidamada Qaranka iyo kaalinta dhiiri galinta ah ee ay la garab joogaan intuba.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here