Gobolka Bakool: Dad ku sumoobay hilib Geel oo ay cuneen

20 qof ayaa ku sumoobay ka dib markii ay cuneen hilib Geel, sida uu sheegay maamulka degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool.

Guddoomiyaha degmada Rabdhuure Maxamed Kheyr Salaad Daa’ud, oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Xuddur ayaa sheegay in dadkan xaalkooda caafimaad uu liito, isla markaana aysan heysan daryeel caafimaad oo ku filan.

Rabdhuure, waxaa gacanta ku haya maleeshiyaadka Alshabaab, sidaas awgeedna way adag tahay in loo gurmado dadkaas dhibaatada caafimaad la soo daristay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here