Gobolka Banaadir oo dayactiraya xarunta dhul bixinta dowladda hoose ee Xamar+SAWIRRO

Maamulka gobolka Banaadir ayaa billaabay dayactirka xarunta gaadiidka iyo dhul bixinta dowladda hoose ee Xamar oo burbur xooggan uu soo gaaray.

Xaruntaan oo muhiim u ah adeegyada gaadiidka iyo dhul bixinta ayaa waxaa dayactirkeeda horkacaya agaasime ku xigeenka waaxda howlaha farsamada dowladda hoose mudane Bashiir Shuumbe Shuute.

Xarunta ayaa muddadii ay burbursaneed waxaa ka baxay geedo badan, iyadoo hadda ay billaabatay jarista geedahaas iyo dayactirka xarunta si loogu adeego bulshada caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here