Gobolka Mudug waxaa ka bilowday Qorshe deegaameyn loogu sameeynayo dadka danyarta ah

Dib u dajinta Barakacayaasha ku nool gobolka Mudug waxaa iska kaashanayaan Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Ururadda Samafalka qaarkood.

Saynab Cismaan Xasan oo ah xubin ka mid ah urur u dhaqdhaqaaqa Bulshadda Rayidka ah ee gobolka Mudug  ayaa sheegtay in Barakayaal badan oo aan xadidneyn tiradooda ay ku jiraan xeryaha dagan yihiin dadka kasoo hayaamay deegaanadoodii kuwaa oo badankood xoolihii ay dhaqanayeen uga dhamadeen abaarihiii gobolka soomaray.

Maamulka magaalada Gaalkacyo ayaa dadka danyarta ah intooda badan dajiyey goobo kabaxsan magaalada, Qorshaha deegaameynta oo waqti dheer laga soo shaqaynayey ayaa wax weyn ka badalaya daruufaha xiligaan kujiraan dadka degaanka ku nool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here