Golaha Aqalka sarre ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo cod aqlabiyad leh Ku ansixiyay Hindise-sharuciyeedka maareynta maaliyadda guud ee dalka. “Sawirro

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 17-aad ee Kalfadhiga 6-aad, waxaana kulankaan shir guddomiyay Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi. Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.

Ajendaha Kulanka ayaa ahaa:

1.Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud.

2.Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka shirkadaha.

3.Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud.

Xubnaha golaha Aqalka sarre ee baarlamaanka dalka ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud, Waxaa ogaalada 28 Senatar, waxaa diiday 1- Sanater cid ka amuustayna majirin.

Ugu dambeyntii Waxan shirka soo xiray Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here