Golaha Siyaasada Kumeel gaarka ah ee Suudaan oo la kulmay Wafdi ka socday Maraykanka

Jeneral C/Fataax Al- Burhaan oo ah Madaxa  Golaha kumeelgaarka ah ee hoggaanka  Suudaan ayaa la kulmay Maanta xubno ka socda Aqalka Senedka Maraykanka kula kulmay Qasriga Jamhuuriga ee magaalladda Khartuum.

Wafdiga  ay la kulmeen Golaha ayaa ka koobana Laba xubnood oo ka tirsan Guddiga Xiriirada Arrimaha Dibedda ee Aqalka Senedka  Maraykanka.

Warbaahinta Dowladda Suudaan ayaa sheegtay in Kulankan i diirada lagu saaray Xiriirka Maraykanka iyo Suudaan, Xalinta Khilaafka Suudaan iyo Itoobiya eek u qotama  Muranka Biyo-xireenka Al Nahda  iyo sidii ay Hay’addaha Caalamiga ah ay taageero uga geysan lahaayeen Taakulaynta Qaxootiga Itoobiyaanka ah ee ku nool Xeryaha ku yaalla gudaha dalka Suudaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here