Golaha Wasiirrada oo go’aamiyay in xiriirka Diplomaasiyadeed loo jaro dowladda Iiraan

748

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumada Mudane Maxamed Cumar Carteh, iyada oo looga hadlay qodobo kala duwan kuwaasoo ay ka mid aheyd Xiriirka Dowladda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

Kulankan ayaa warbixino looga dhegeystay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Wasaaradda Amniga Qaranka, waxaana diirada lagu saaray dhaq dhaqaaqyo ka dhan xiriirka Diplomaasiyadeed oo ay waday sanadihii la soo dhaafay Safaaradda Iiraan ay ku leedahay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana warbixintan lagu xusay eedeymo kala duwan oo saameynaya Amniga Qaranka, Khataro Dhaqaale, mid Bulsho iyo mid Diineedba leh.

“Mas’uuliyiinta Safaaradda Iiraan iyo hay’adda Al Khudmeyni waxay si joogto ah u booqdaan degmooyin ka tirsan dalka, iyaga oo ogeysiinin Wasaaraddaha ku shaqada leh, waxayna isku dayeen inay abuuraan kooxo hubeysan oo la mid ah kuwa ka jira dalalka Yemen, Lubnaan iyo Ciraaq” ayaa lagu xusay warbixinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda ay ka aqrisay shirka Golaha Wasiirada.
Eedaha loo jeediyay Dowladda Iiraan ayaa waxaa ka mid ahaa weerarkii foosha xumaa ee loo geysatay Safaaradda Boqortooyada Sucuudiga ee magaalada Dehran.

Gabagabadii, Golaha Wasiirada ayaa waxay go’aamiyeen in Dowladda Soomaaliyeed ay xiriirka Diplomaasiyadeed u jarto Dowladda Iiraan, maadaama ay ku xadgudbeen Xeerka caalamiga ahaa ee Vienna (Vienna Convention).

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. SOOMAALIYO SOOMAALI BAALEH GO,AANKEEDANA SOOMAALI BAA LEH.
    DALKA DIFAACIISU WAA WAAJIB
    DIINTA OO LA DIFAACANA WAA WAAJIB.

    shalay waxey aheed maalin taariikhi ah markey golaha wasiiradeenu isku raaceen in la jaro xiriirki nagala dhaxeeyay wadanka iiraan,waana wax lagu farxo in dowladeeni ,cilumadeeni iyo shacabkeeniba isku raacsan yihiin khatarta ay leedahay in xiriir lala yeesho wadanka iiraan.

    waa illaahey mahadiis mar hadaan fahanay dhibka nooga imaan karo dowladaas ahlu sharka ah oo lagu tilmaami karo ineey tahay dab iyo dabeylo isla socdo oo aan waxba hanbeyneyn meeshey soo galaan, waxaana tusaale noogu filan sidey ka dhigeen wadankii ciraaq oo ahaan jiray wadamada lugu tilmaami jiray wadamada caalamka ugu xoogga badan maantana noqday goob qarax iyo colaad kadib markii ay gacanta ku dhigtay wadankaas dowlad ay waxka dhistay dowlada iiraan madaxdeeduna tahay shiico kadib markii la dilay madaxweynihii wadankaas (sadaam xuseen) lagana dhigay shacabkii sunada ahaay ee wadankaas wax la qaxiyay kuwo xabsiyada lagu guray iyo kuwo aan meelay u ciirsadaan haysan oo maalin walbo meelaha ay deganyihiin lagu gumaado.
    waxaa kaloo tusaale sharta iiraan noogu filan halaaga ka socdo wadanka suuriyo oo ay iiraan garabka ugu weyn ee bashaar asad kaalmeeyo ay tahay wadanki suuriyana noqday qarnigaan aan joogno
    qaxootiga caalamka ugu badan ee wadankiisi ka qaxay.
    lama soo koobikaro masaa,ibka ay iiraan ka mas,uulka tahay laakiin waxaan illaahey ku mahadininaynaa in maanta ay dowladeeni go,aan kamadambeyn ah ka gaartay iiraan kana raacdeysay wadankeena,mahadsanid ayaan leenahay dowladeena,waxaad difaacday
    wadankeeni.
    shacabkeeni .
    diinteeni.
    waxaan illaahey ka rajeynayaa in xiriir u jarida iiraan ay noqoto dhinac kasto xag dibulumaasi,xag xiriir ganacsi dhinackasto oo xiriir noqdo
    si aan uga badbaadno dhibkastoo iyo meelkasto oo ay noogu soo gambankarto waayo waa dowlad aan waxba iloobin dhaqankeeduna yahay markasto ka aarsi marka sida aan uga badbaadikarno waa in aan wax nooga imaan cid naga mid ahna aysan wadankaas aadin.
    waxaa kaloo waajib ah in fiiro gaar ah loo yeesho dadka la sheegay ineey qaateen mad habka shiicada ee shacabkeena ka mid ah,waxaana wanaagsan in culumadeenu doorkeeda qaadato ayna dadaal badan ku bixiyaan sidey dadkaas uga dhaadhicin lahaayeen in mad habka iiraantu fidinayaan owyahay mad hab qaldan oo diinta xaniifka ah lid ku ah eyna dadkaas tusaale ugu filan tahay in shiicadu yihiin kuwo asaxaabtii rasuulkeena gaaleynaayo sida
    abuubakar.
    xumar binqadaab
    caaisho(sowjadii rasuulkeena)
    xafso (sowjadii rasuulkeena)
    marka waxaa laga yaabaa in dadka qaarkood ay yihiin dad masaakiin ah oo xagga dhaqaalaha laga soo galay marka waa in loo guntado in dadkaas la badbaadsho si ay diintooda saxda ah ugu soo noqdaan.
    waxaan kaloo dowladeena iyo shacabka inta illaahey wax siiyayba leeyahay waa in aan dadaal dheeri ah ku bixino in wax loo qabto dadka barakacyaasha ah oo ah qunbulad markasto diyaar u ah ineey qaraxdo waayo waa dad dhibaateysan cadawkastaahina ow adeegsankaro ha ahaato xag amni amaba xag diineed.
    illaahey wadankeena iyo ummaddeenaba haka badbaadsho waxkastoo shar la damacsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here