Golaha wasiirrada oo isku raacay In Talisyada Nabad Sugidda iyo Booliska ay hoostagaan Gobolka Banaadir

Xilli shalay Shir ay isugu yimaadeen Xubnaha Golaha wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya uuna ka qeyb galay Madaxweynaha dalka lawada Go’aamiyay in Talisyada Nabad Sugidda iyo Booliska ay si toos ah u hoos tagaan Maamulka Gobolka Banaadir isla markaana ay amniga kawada Shaqeyn doonaan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ay muhiim tahay Sugidda amniga iyo Wada shaqeynta Ciidamada ammaanka iyo Bulshada.

Maalmihii dambe Waxaa magaalada ka socday Shirar looga hadlayo Amniga dalka kuwaas oo ay wada qaadanayaan madaxda Sare ee dalka iyo Laamaha amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here