Goorma ayay dhacaysaa Muxaadarada Sh. Umal qabanayo.?

Muxaadaro lagu waday in maanta uu ku qabto garoonka kubbada cagta ee Inj Yariisow ee magaalada Muqdisho Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa dib loo dhigey sababo la xariira Aaska Marxuum Almaas Elman oo maanta lgau aasayo muqdisho, sidaa ay Radio Muqdisho u sheegtay Khadiijo Maxamed Diiri.

wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Guddi haatan loo saaray qabashada muxaadaradaasi diiniga ah isla markaana la qaban doono maalinta Axada ee todobaadkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here