Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka oo baaq nabadeed kasoo saaray dagaalada Sokeeye ee ka socdo Qeybo ka mid ah Goboladda Dalka.

Kulankan oo uu Gudiga Dib u Heshiisiinta Qaranka ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay kaga Hadleen sidii loo joojin lahaa dagaalada sokeee ee ka soconaya qeybo ka mid ah Gobolada Dalka kaasi oo saameeyay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada ay ka jiraan dagaaladaasi waxeyna baaq u direen maamulada deegaanadaasi wax garadka aqoonyahanka  Nabadoonada  in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa colaadaha ka soo cusboonaaday qeybo ka mid ah gobolada dalka si loo istaajiyo dhiiga walaalaha daadanaya.

 

Kulanaka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Gudiga dib u Heshiisiinta Qaranka mas’uuliyiinta gudiga dib u heshiisiinta shaqaalaha Gudiga Odayaasha iyo Xubno ka tirsan Gudiga Dib u Heshiisiinta Qaran waxeyna diirada saareen doorka ugu haboon ee loo joojin karo dagaaladaasi  iyagoo tilmaamay in gudiga dib u heshiisiinta qaranka ay u diri doonaan gudi nabad raadin ah si ay ugu qeyb qaataan  dhex dhaxaadinta  colaadahaasi.

Gudoomiyaha Gudiga dib u heshiisiinta qaranka Ismaaciil Macalin Muse oo ka hadlay kulanka ayaa ugu baaqay wax garadka Culimada Soomaaliyeed ee ka soo jeeda deegaanadaasi in ay u kacaan sidii nabad loo dhex dhigi lahaa dadka walaalaha ah ee dirirtu ku dhex mareyso deegaamadaasi

Guddiga ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka walalaha ah ee ku dagaalamaya  deegaanada ay dirirtu ka socoto in ay joojiyaan dagaalka  ayna qaataan nabadda maadaama dagaal dadka Soomalaiyeed ay ka soo daaleen.

Mudooyinkan ayaa Dowladda Soomaaliyeed waxgaradka culimaa’udiinka waxa ay wadeen dadaalo ku aadan sidii loo joojin lahaa colaadahaa iyadoo loo soo jeedinayo dadka ku dirirsan goobahaasi baaqyo ku aadan in la joojiyo dagaaladaasi.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here