Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo so gudbiyay Jadwalka doorashada Aqalka Sare

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay jadwalka doorashada xubnaha Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Koofur Galbeed Mudane Yuusuf Cabdulqaadir Maxamed ayaa tilmaamay in doorashada Aqalka Sare la qaban doono maalinta Axadda, oo ay musharaxiinta  leeyihiin hadal jeedinta iyo doorashada, halka maanta ay is diiwaan gelin doonaan.