Guddiga doorashooyinka Qaranka oo ka hadlay kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka

45

Guddoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka, Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) oo maanta shir saxaafadeed ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa shaacisay in la bilaabay buuxinta kuraasta ka banaan golaha shacabka oo gaaraya sadex kursi.

Deegaan doorashada kuraastan ayaa kala ah Baydhabo iyo Dhuusmareeb, waxaana baneeyay; Xuseen Cismaan oo noqday Agaasimaha hey’adda nabad sugidda, C/qaadir Gaafow oo is casilay iyo Allah u naxariistee Khaliif Abdulaahi ( Khaliif Duurey) oo geeriyooday.

Xaliimo Ismaaciil, guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa faray odayaasha dhaqanka ee ku jira 135-tii ee kuraastan banaan ay khuseyso in ay ergada soo gudbiyaan muddo todobaad ah oo maanta ka bilaabanaysa.

Musharaxiinta doonaya buuxinta kuraasta bannaan ayaa lagu wargeliyay in ay araajidooda soo gudbiyaan laga bilaabo 25-ka bishan  August.

Dhanka kale, guddoomiyaha ayaa war bixisay shir dhowaan magaalada Nairobi ku qabteen guddigooda oo looga hadlayay arrimaha hirgelinta doorashada qof iyo cod ah oo la qorsheynayo in wadanka ka qabsoonta 2020-ka.

Shirkaas oo ay qeyb ka ahaayeen daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka dalka oo ay kamid yihiin axsaabta siyaasadda, wakiilo dowlad goboleedyada ka socday iyo beesha caalamka, iyadoona sheegtay in shirka laga soo saaray dardargelinta u diyaar garowga doorashooyinka qaranka.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here