Guddiga doorashooyinka Qaranka oo Kigali qeybgalay kulanka Guddiyada Maareeya Doorashooyinka

0
1040

Kulanki afaraad ee sanadlaha ah ee qaaradda ee ay yeeshaan Guddiyada Maareeya Doorashooyinka ayaa usbuuc ka hor ku soo idlaaday Kigaali, caasimadda Rwanda iyadoo lagu aqoonsaday in dhalinyaradu ay kaalin lixaad leh ku leeyihiin geeddi-socodka doorashooyinka ee Afrika.
Kulanka oo labo maalin socday ayaa lagu lafaguray dhaqamada iyo xalka ugu wanaagsan ee loo heli karo caqabadaha maareynta doorashooyinka qaaradda.
“Doorashooyinkani waxaa ay sida muuqata fursado weyn u fidinayaan dhallinyarada Afrika si ay u yeeshaan awoodda ay saameyn ugu yeelan karaan geeddi-socodka dowladnimo. Hase yeeshee, waxaa aan ka ahayn waddamo dhowr ah, ka qayb qaadashada dhallinyarada ee geeddi-socodka dimuqraaddiyadda waxaa uu kaliya ku yahay oo kaliya codaynta xilliga doorashooyinka,” ayay Danjire Minata Samate Cessouma oo ah Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda ee Midowga Afrika ee fadhigiisu yahay Addis Ababa ayuu shirka oo Khamiistii furmay sidaa ka sheegtay.
“Xaaladaha noocaasi xitaa, ka qayb qaadashada dhallinyarada ee hannaanka siyaasadda  waa mid aad u hooseysaa, xitaa waa mid ka hooseysa midda dadka da’da ah,” ayay raacisay iyadoo ka hadleyso arrimo hore oo la xidhiidha garbinta dhalinyarada ee dhinaca hannaanka dimuqraadinimo.
Soomaaliya oo doorashadeeda qabatay Febraayo 2017-ka oo madaxweyne cusub lagu caleemo saaray ayaa sidoo kale madasha lagu matalayey.
Xubno ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ay hoggaaminayso guddoomiso, Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa kulanku ku tilmaamtay mid wax ku ool u ah arrimaha doorashooyinka. Guddiga oo ay ka qaybgalkooda Kigaali u fududeysay Howgalka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa casharro muhiim ah ka soo qaatay khibradda doorashooyinka ee waddamada kale xilli ay Soomaaliya isku diyaarinayo in ay doorasho qabato 2020/2021 oo ah doorasho qof iyo codkiisa.
“Sanadka 2016-kii waxaan qabannay doorasho dadban. Ma ahayn doorasho qof iyo codkiisa ah. Hase yeeshee waxaa ay ahayd mid afgarad iyo heshiis lagu dhisay. Waxaa ay ahayd doorasho noocaasi ah. Run ahaantiina haweenka iyo dhallinyarada waa ay is abaabuleen, bulshada rayidka ah iyo xubnaha kale ee bulshadana way na taageereen. Waana aragnay natiijooyinka sababtoo ah 275 xubno ee baarlamaanka hadda, 74 ka mid ah waa dhallinyaro. Marka qayb ayay ka yihiin,” ayay tiri Marwo Xaliima iyadoo carrabka ku adkeeysay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay ka qayb-qaadashada dhallinyarada ee geeddi-socodka talada waddanka.
Marwo Xaliimo ayaa Midowga Afrika ugu baaqday in Guddiga Doorashooyinka (NIEC) ay ka taageerto hirgelinta qorshaha istaraatijiyadeed ee shanta sano ah ee guddiga; iyo tababaridda mas’uuliyiinta guddiga ka hor inta aan la gaarin doorashada heer caalamiga ah ee la qorsheeyey.
Diktoor Daahir Jibriil oo ah Xog-Hayaha Guud ee Guddiga Doorashooyinka, ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay ka qayb qaadashada dhallinyarada geedi-socodka doorashooyinka Afrika, si loo yareeyo kacdoonka. Wuxuu sharraxaad ka bixiyay in Soomaaliya, qayb dhallinyarada ka mid ah ay kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab ay u adeegsato sida  “qalab loogu talagalay rabshadaha”.
“‘Al-Shabaab’ afka Carabiga waxaa loola jeedaa ‘dhallinyaro’. Markii dhallinyarada aysan ku mashquulsaneyn waxyaabaha waxtarka leh, marka dhallinyarada aysan qayb ka ahayn geeddi-socodka, marka dhallinyarada aan la shaqaalaysiinin, marka dhallinyarada aysan ku jirin dugsiyo wanaagsan, tani ayaa ah waxa dhici kara,” ayuu yiri Diktoor Daahir.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in marka la eego xaaladda Soomaaliya in ay muhiim tahay “in ay dhallinyarada ka qayb qaataan siyaasadda, doorashooyinka, shaqooyinka, fursadaha”.
Ku lug lahaanshahaas ballaaran oo kale ee dhalliyaradu wuxuu u baahan yahay waxbarasho madani oo heer sare ah sida uu qabo Diktoor Daahir. “Dhibaato culus ayay ku tahay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka. Sidoo kalena dhibaato culus ayay ku tahay guud ahaan Soomaaliya, in la xaqiijiyo in dhallinyaradani ay ku lug lahaadaan doorashooyinka 2020. Waxaana abuuraynaa barnaamij ballaaran oo ku saabsan waxbarashada madaniga ah, oo ay ka mid tahay abuurista manhaj qaran kaasoo laga dhaqan gelin doono dugsiyada ilaa heer jaamacadeed,” ayuu yiri.
Maadaama dadweynaha badankoodu ay yihiin dhallinyaro, Midowga Afrika wuxuu aqoonsan yahay dowrka dhallinyarada ay ka ciyaari karaan in ay gacan ka geystaan geedi-socodka doorashooyinka iyo siyaasadda Afrika. Waqtigan xaadirka ah, in ka badan 65% oo ka mid ah tirada guud ee 1.2 bilyan ee dadweynaha Afrika da’doodu waxaa ay ka hooseysaa 35 sano. Intaa waxaa dheer, sanadka 2020, waxaa la qiyaasay in 3 ka mid ah 4 qof oo walba oo Afrikaan ah ay da’doodu noqon doonto 20 sano jir.
Iyadoo la aqoonsaday awoodda dhallinyarada ay u leeyihiin isbeddel ku sameeyaan horumarka siyaasadeed iyo bulsho-dhaqaale ee Afrika, Midowga Afrika iyo Madaxda Dowladaha ayaa ugu dhawaaqay 2017 sannadkii “Ka faa’iidaysiga qaybaha kala duwan ee bulshada iyada oo loo marayo maalgelinta dhallinyarada.”
Midowga Afrika sidaa darteed wuxuu dhiirigelinayaa ka qayb qaadashada dhallinyarada hannaanka go’aan qaadashada iyo kuwa kale, in dhallinyarada ay isku soo sharraxaan boosaaska iyo in meesha laga saaro caqabadaha nugleyn karo dhallinyarada inta lagu jiro doorashooyinka.
Prof. Attahiru Jega oo ah Guddoomiyihii hore ee Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Nigeria, oo hadal muhiim ah ka jeediyay madasha, ayaa xusay in dhallinyarada Afrikaanka ah loo baahan yahay in kobciyo, oo caqabadaha haysta sida waxbarasho la’aanta, shaqo la’aanta baahsan iyo ka takooridda in ay ka qayb qaataan geedi-socodka siyaasadeed wax laga qabto.
Mudane Robert Gerenge oo ah La Taliyaha Sare ee Guddiyada Maareynta Doorashooyinka oo ku jira Waaxda Arrimaha Siyaasadda ee Guddiga Midowga Afrika ayaa sheegay in taageerrada uu Midowga Afrika u fidinayo Soomaaliya ay hoos imaaneyso nabad-ilaalinta AMISOM, oo uu Midowga Afrika saaran yahay mas’uuliyad in uu Soomaaliya ka horumariyo xasilloonida, uuna taabbageliyo soo celinta iyo horumarinta dimuqraaddiyadda waddanka.
“Waxaa aan ognahay in ay jiraan shaqo badan oo loo baahan yahay in laga qabto Soomaaliya sababta oo ah dalka waxaa uu weli ku jiraa wejiyada hore ee dhismaha dimuqraaddiyadiisa. Guddiga Doorasha waa mid weli tabar daran una baahan taageero badan. Midowga Afrikana waxaa uu leeyahay mas’uuliyad ku xusan Qodobka 18-aad ee Heshiiska Afrika ee dhinaca Dimuqraaddiyadda, Doorashooyinka iyo Maamulka si loo bixiyo taageerradan iyo in xubnaha ka tirsan Midowga oo ay Soomaaliya ka mid tahay loo fidiyo fursado in ay codsan karaan nooc waliba oo kaalmo dhinaca doorashooyinka,” ayuu yiri Mudane Gerenge.

“Waa arrimahan dartood ayaan iskaashi la sameyneynaa Guddiga Doorashooyinka Qaran ee Soomaaliya,” ayuu intaasi ku daray.

Kulanka Kigali waxaa uu ka duulayey mowduuca ah “Ka faa’iideysiga qaybaha kala duwan ee bulshada iyada oo loo marayo sare u qaadista ka qaybgalka dhallinyarada ee geeddi-socodka doorashooyinka ee Afrika”.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here