Guddiga Farsamada Ee Ka Baaraan Degidda Talooyinka La Xiriira Hannaanka Doorashada Oo La Kulmay Madaxda Galmudug Iyo Koonfur Galbeed

Guddiga Farsamada ee ka baaraandegidda talooyinka la xiriira hannaanka iyo hab-sami u socodka arrimaha Doorashooyinka oo uu Guddoomiye u yahay Wasiirka Dastuurka ayaa la kulmay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Madaxweynayaasha ayaa ku ammaanay Guddiga shaqada ballaaran ee ay hayaan kulamadan ayaa ahaa qaar loogu gogol xaarayo shirka Dhuusamarreeb 3.oo lagu wado in 15-ka bishan markale lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Guddiga ayaa sidoo kale la kulmay Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ay is waydaarsadeen talooyin iyo wada hadallo ku saabsan arrimaha Doorashooyinka.

Wasiir Saalax Axmed Jaamac Wasiirka Dastuurka ahna Guddoomiyaha Guddiga ka baaraandagga iyo ka tala-bixinta doorashooyinka ayaa sheegay in kulankii maanta uu guul ku soo idlaaday, ayna sii dar dargelinayaan howlaha horyaalla.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here