Guddiga Garsoorka iyo Cadaaladda ee Golaha Shacabka oo la kulmay Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Arimaha Garsoorka.

957

Guddiga Garsoorka iyo Cadaaladda iyo sidoo kale Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka ayaa maanta xarunta Guddoomiyaha iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa kulan kula qaatay Wasiirka Wasaarada Cadaaladda iyo Arrimaha garsoorka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii Guddiga iyo Wasaaradda ay wada shaqeyn joogta ah u yeelan lahaayeen taasoo ah is xog wareysi ku saabsan tayeynta Cadaaladda iyo garsoorka Dalka.

Guddiga ayaa wasiirka wax ka weydiiyay howsha Wasaaradda iyo qorshayaasha hada horyaala kuwa dhow iyo kuwa fog.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa gudiga uga mahadceliyay wada shaqeynta wasaaradda kala dhaxeysa ,sidoo kalena Guddiga ayaa wasaaradda u balan qaaday in wada shaqeyntooda ay joogto noqon doonto si kor loogu qaado tayeynta Cadaaladda garsoorka Dalka.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here