Guddiga gurmadka abaaraha ee degmada Kaxda oo qorsheynaya inay kaalmo gaarsiiyaan qoysas soo barakacay

gudiga kaxda

Guddiga Gurmad Abaaraha ee Degmada Kaxda ayaa ka warbixiyay xaaladda dadkii ku soo barakacay Degmada iyo gurmad loo fidiyay dadkaasi, aygoo baaq ujeediyay hay’adaha samafalka iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya .

Guddiga gurmadka Abaaraha degmada Kaxda iyo Maamulka Degmada ayaa wada dadaallo loogu gurmayo dadkii ku soo barakacay abaaraha ka jira qaybo ka mid ah Gobollada Dalka ee soo gaaray Degmaasi

Inkastoo Dadku aysan helin gurmad ku filan oo daboola baahiyaha ugaar ah ee ay qabaan ayaa waxaa socda hawlo raashin qaybin ah iyo biya dhaamin oo ay si wadajir ah uga qayb qaadanayaan Maamulka Culimaa’udiinka iyo Qaybaha Bulshada ee Degmadaasi

Guddoomiyaha Guddiga Gurmada Abaaraha Dedmada Kaxda Sheekh Cabdiqaadir Yuusuf Gabyaa ayaa sheegay inay meel wanaagsan mareyso gurmadka loo fidinayo dadka ku soo barakacay degmada ee ka kala yimid qaar ka mid ah gobollada dalka ee ay abaartu ku dhufatay.

Guddiga ayaa si wada jir ah ugu baaqay qaybaha bulshada, Dawladda iyo Hay’adaha Samafalka inay doorkooda ka qaataan ugumarashada dadka tabaalaysan ee Walaalahood ah ee Soo Barkacay

Gudoomiyaha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir Maxamad Ismaaciil Cabdullaahi ayaa uga mahadceliyay guddiga Samafalka ee Degmada isxilqaanka ay mujiyeen ee ku aadan ugurmashada dadka ku soo barakacay degmada, isagoo ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qaraxii Kaaba Godeey, isagoo dadkii ku dhaawacmay alle uga Baryay inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here