Guddiga gurmadka abaaraha oo ku baaqay in la gar gaaro dadka ay fahataaddu saameysay “SAWIRRO”

1
2774

Xubnaha guddiga kahortaga abaaraha musiibooyinka iyo barakacayaasha ayaa kulanka Muqdisho ay ku yeesheen waxa ay kaga hadleen sida ugu fudud ee gurmad lagu gaarsiin karo shacabka Soomaaliyeed ee fatahaada wabiga Shabeelle uu ku saameeyey magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Waxaa kulanka lagu muujiyey lagama maarmaanimada in si dhaqso ah loo taageeero shacabka Baladweyne gaar ahaan kuwooda wali ku dhex jira biyaha, sidaasi oo kalena dib u dejin loo sameeyo qoysaska barakacay ee ku sugan magaalada.

Ganacsatada Soomaaliyeed dowlada iyo beesha caalamka ayey u jeediyeen xubnaha gudiga baaq la xiriira in la gar gaaro dadka biyuhu ay saameeyeen.

“Waxan u jeedineynaa dowlada iyo caalamka in dadka la gar gaaro, ganacsatada Soomaaliyeed iyaga waajib gaar ah ayaa saaran, waa in ay dhaqaalahooda ku bixiyaan badbaadinta dadka Soomaaliyeed”

Guddoomiye ku xigeenka guddiga kahortaga abaaraha musiibooyinka iyo barakacayaasha ahna guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheakh Axmed Gabale ayaa sheegtay in gudigu uu kaalin ka qaadan doonaan badbaadinta shacabka Baladweyne, iyaga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan rabnaa in laba waxyoobodba aan sameeyno, marka hore waxan gaarsiineynaa dhaqaalaha kooban ee aan heyno, marka xigtana waxan dadka u weydiineynaa gargaar”

Dowlada Soomaaliya ayaa ku howlan sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka Soomaaliyeed ee uu saameeyey fatahaada wabiga Shabeelle, iyadoo madaxda qaranku ay ku baaqeen in laga wada qeyb galo u samafalka dadkaasi.

DSC03908 DSC03912 DSC03915 DSC03916  DSC03919 DSC03921 DSC03922 DSC03923 DSC03925 DSC03927

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. waa wax aad looga xumaado in aanan illaa hada lasameeyn gurmad degdeg ah oo lagu badbaadinaayo ummada ku nool labada gobol ee shabeelada dhexe iyo hiiraan qaasatan magaalada beledweyn oo noqotay bad qarqisay magaaladi badankeed.

    su,aashu waxeey tahay maxaa ka qaldan dowlada fadraalka ah?
    wadankeenu waxoow soomaray muddo dheer dowlad la,aan,shacabkeenu waxoow u badanyahay dhalinyaro,
    dhalinyaradaas badankood ma arag dowlad iyo waxqabadkeed intii colaadu jirtay.
    maanta waxaan aasaasaynaa dhismihii dowladnimo,dhismaha dowladnimo waxaa lagu adkeyn karaa shacab ayidsan dowlada,
    gayiga soomaaliyo meelkastoo dhibaato ka dhacdo waxaad maqlaysaa
    shacabki oo dowladooda u qayladhaaminaayo si ay wax ugu qabato,taasi waa fursad dahab ah shacab aan mudo rubucqarni ah arag dowlad hadana qirsan dowladnimo waa illaaheey mahadiis.
    caalamka waxaan arkaynaa dowlado waaweyn oo shacabkoodi ku kaceen ayna jiritaanki dowladnimo salka u jareen,sidi kacdoonki carabta.
    shacabkeenu maanta waxeey u bisilyihiin ineey dowlad yeeshaan, kana dambeeyaan laakiin soomaali waxeey tiraahdaa gacmo isdhaafaa gacalka dhashaa.
    dowladuna waxeey dowlad ku tahay markeey u heegantahay wax u qabadka umadeeda iyo samatabixinta markii masiibooyin yimaadaan.

    iyadoon fatahaadu dhicin ayaan maqlaynay qaylo dhaanta labadaas gobol si loogu kaalmeeyo ka hortaga intaan fatahaadu bilaaban majirto cid dhag u furtay qaylo dhaantaas.
    markii dhibki dhacayna si dhaqso ah looguma gurman marka dowlada fadraalkaahi maxeey dowladku tahay?dowlad arkayso dadkeedi oo daad qaaday,guryihii iyo dhaqaalihii goboladaas oo daadqaaday hadana illaa iyo hada aysan muuqan gargaar degdeg ah.
    su,aasha kale oo ay shacabka reer beledweyn dowlada usoo dirayeen waxeey tahay reer beledweyn miyaaneey xaq u laheeyn in
    madaxda qaranku qaaraan mushaarkooda uga jaraan sidii ay yeeleen markii gobolada waqooyi abaaruhu ka dhaceen?
    mase gooni u istaaga iyo midnimo diidka ayaa laysku abaalmariyaa?
    su,aashaas waxaa dhowr goor idaacadaha iyo telefishinada weydiiyay reer beledweyn waana xaq ineey sidaas yiraahdaan waayoo dhuuntoodi ayaa qalashay sideey u qaylo dhaaminaayeen illaa iyo hadana ma arkaan cid usoo gurmato qaasatan dowladii waajibka ay ku aheed ineey mar hore u istaagto ka hortaga fatahaada inteeysan dhicin.

    fariinta kaliya een u diraayo dowlada waxeey tahay waxaad haysataa shacabku ayidsan ee ka soo bax waajibkaada hana isku dirin shacabkaada oo ah tiirarkii aadku taagneed.

    DOWLAD AAN QABIN SHACAB AYIDSAN MALAHA LUGO AYKU ISTAAGTO.

    SHACAB AAN QABIN DOWLAD XOOGAN OO DANAHOODA QABATANA MA LAHA CISO IYO KARAAMO.

    ILLAAHEYOOW DOWLADEENA GARANSII XAQA SHACABKEEDA
    SHACABKEENA KA DHIG KUWO DOWLADOODA AYIDA KANA DAMBEEYO.

    waxaan kaloo qaylo dhaan u dirayaa tujaarteena soomaaliyeed ee sharafta badan,
    maanta waa maalintiini reer hiiraan iyo shabeelada dhexe waxeey u baahan yihiin gargaar iyo hiil walaal qaasatan beledweyn oon beri, sugukarin waayoo waxeey halis ugu jiraan cuduro khatar ah oo ka dilaacikaro daadadka,
    inta illaaheey waxsiiyay waa ineey u gurmadaan shacabkaas masaakiinta ah ee xoolahoodi oo dhan ay ku khasaareen fatahaadaas
    dadkiina ay halis ugu jiraan ineey ku le,daan hoy la,aan iyo cuduro khatar ah hadaan si dhaqso ah looga soo gaarin.

    maamul goboleedyada aan dhibku gaarin waa ineey usoo gurmadaan reer beledweyn waayoo dhibkii maanta walaalkaa haysto adigana beroow kuugu dhicikaraa marka waa in layskaashado lausna garab istaagaa,tankale hadii layskaashado dhibka jira dhaqso ayaa waxlaga qaban karaa.
    gobolka banaadir oo ah hooyadi wadanka waa ineey si dhaqso ah isu abaabulaan dhaxdooda xoolo iska ururshaan hadeey yihiin ururka haweenka ,dhalinyaradaba waa ineey si dhaqso ah walaalahood ugu gurmadaan,waxaana qabaa hadii banaadir bilowdo dadaalkaas in gobolada kalana tusaale u noqon karaan,hadaba ururweynaha haweenka soomaaliyeed iyo dhalinyaraduba waa ineey doorkoodi muhiimka ahaay matalaan.
    culumad soomaaliyeed oo qowlkoodu dhagaha u furanyahay waa ineey umadda ku towciyeeyaan ineey isgarab istaagaan.

    REER HIIRAAN SU,AAL DA,WEYN, MAXAA KULMIYAY
    ABAARO IYO WEBI GURAY,DAGAALO SOKEEYE,FATAHAAD.?

    waxaa la yiri umaddii dambigeedu bato waxaa bato masaa,ibka ay lakulmaan.
    diinteenu waxeey sheegtay in kacbadu tahay meesha caalamka ugu muqadasan,laakiin waxaa la yiri dhiigga qofka muslimka ah ayaa kasii muqadasan.
    hadaba meeqo dhiig muslim ah ayaa maalinkasto ku daadanaayo hiiraan?
    baaqeygu waa aan illaaheey usoo noqono si aanan adduun iyo aakhiraba u halaagsamin.

    illaahey waxaan weydiisaneeynaa inoow noo naxariisto nagana dul qaado masaa,ibka isugu jiro abaaraha iyo fatahaada .
    umadda walaalaha ah ee isku dagaalaayo hiiraana qalbigooda allaha iswaafajiyo walaalnimo iyo nabadna ha dhaxdhigo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here