Guddiga Gurmadka Qaxootiga Yemen Oo Lagu Wareejiyay Lacago Iyo Qeybo Lagu Daweeyo Qaxootiga “Sawirro”

0
1589

Guddiga loo xilsaaray gurmadka badbaadinta iyo samatabixinta Qoxootiga soomaaliyeed ee dalka Yeman ayaa weli waxay wadaan dadaalo loogu gurmanayo dadkaasi, waxaana maanta lagu wareejiyay  Qeyb Lagu  Daaweeyo dadka  Xanuunsan ee  ka Soo Cararaya dagaalada ka socda wadankaasi oo key taala Isbitaalka Banaadir, iyo Lacag dhan 2000$ (22 kun oo Dolar) oo ay soo dhiibeen Ganacsato iyo jaaliyada soomaaliyeed ee Shiinaha.

Shiekh Cumar Sheekh Ibraahim oo wakiil ka ahaa  dadkaasi ka  damqaday  Walaalahooda  Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan  dalka Yeman, isagoo  sheegay in ay diyaar u yihiin  ka jaaliyad ahaan  in markasto ay diyaar u yahiin in ay la shaqeeyaan  gudiga gurmadka Qoxootiga.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan  oo ah Guddoomiyaha Guddiga gurmadka iyo Samatabixinta Qoxootiga soomaaliyeed ee Yemen ayaa ugu mahadceliyay  Ganacsata iyo jaaliyada sida dareenka wadanimo leh ay  ugu soo gurmadeen walaalahooda Soomaaliyeed Ee dhiban.

Sidoo kale  guddiga ayaa waxaa lagu wareejiyay qeyb  lagu daweynayo dadka qoxootiga ah ee ka soo cararaya wadanka Yeman oo qeyb ka ah isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Banaadir, waxaana mas’uuliyiinta isbitaalka iyo xubnaha  Guddiga Gurmadka ayaa ku soo wareegay  Qeybta lagu wareejiyay iyo qolalka oo xilkaasi ay ku sugnaayeen dhaqaatiir Da’yar ah.

Luul Maxamed Maxamuud Madaxa Caruurta isbitaalka hooyada iyo Dhalaanka ee Banaadir ayaa  sheegtay in  gurmad dhaqaatir iyo dawa ah ay la garab taaganyihiin dadkaasi wlalalahooda dhibaataysan, islamarkaana umadda Soomaaliyeed u dirtay baaq ah in ay is gar gaaraan.

Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa mas’uuliyiinta isbitaalka iyo dhaqaatiirta Doonaya in ay gurmad u fidiyaan dadkaasi dhiban ugu  mahadceliyay sida ay uga soo baxayaan  kaalintooda.

IMG_4151 IMG_4163 IMG_4164 IMG_4172 IMG_4176 IMG_4184 IMG_4198 IMG_4202 IMG_4203 IMG_4211 IMG_4219 IMG_4224 IMG_4225 IMG_4226 IMG_4227 IMG_4228 IMG_4258

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here