Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka oo doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeen “SAWIRRO”

Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federaal  ayaa maantay doortay Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Soomaaliya, kaasi oo loo doortay Maxamed Xasan Cirro oo u kula tartamay Liibaan Axmed Xasan.

Maxamed Xasan Cirro ayaa wareegi labad ku guuleystay codad dhan 14-cod halka u helay Liibaan Axmed Xasan 10 codadka doorashada.

Guddiga Hirgalinta doorashooyinka ayaa ka koobaan ilaa 25 xubnood, iyadoo ay soo xaadireen goobta doorashada 24 xubnood oo ka mid ah guddiga, xubin ka mid ahna ay ka maqnayd.

Guddoomiyaha cusub ee la doortay Maxamed Xasan Ciro ayaa waxaa horyaala habsami u socodka doorashooyinka dalka dhawaan ka qabsoomi doona.

Dhanka kale waxaa guddoomiye ku xigeenka guddiga Hirgalinta doorashooyinka loo doortay ee heer Federal Qareen Mawliid Mataan Salaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here