Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka oo su’aalo weydiiyay wasiirka Maaliyada XFS+Sairro

Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyada, Qorshaynta iyo La- Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka ayaa maanta oo ay Taariikhdu tahay 04/11/2019 waxay kulan Kula yeesheen xarunta Guddiyadda ee Villa-Hargeysa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Howl-wadeenadda Wasaaraddaasi.

Kalankaa oo Ajandihiisu Ahaa Su’aalo weydiin ku saabsan Ku noqoshadda Miisaaniyadda 2019ka ayaa wasiirka lagu hor dhigay dhowr su’aal oo ay xubnuhu u baahdeen in loo iftiimiyo.

Dr. C/raxmaan Ducaalle Beyle wasiirka wasaarada maaliyada xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabay tiro su’aalo ah oo ay xubnaha gudigu weydiiyeen.

Kulanka Waxaa Shir-gudoominaayey Guddoomiyaha Guddiga Mudane Maxamuud Cabdulaahi Siraaji.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here