Guddiga Madaxa bananaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo hogaan doortay

Guddiga madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka ayaa maanta guddoomiye u doortay Khaliif Cabdikariin kaddib doorasho maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Doorashadaan oo ahayd mid gacan taag ayaa xubnaha guddiga waxa ay gudoomiye u doorteen Khaliif Cabdikariin Maxamed, halka ku-xigeen ay u doorteen Muuse Waxgarad Cabdullaahi waxaana xoghaye ay u doorteen Liibaan Cali Sahal, iyadoo munaasabadda ay goob joog ka ahaayeen Wasiir ku-xigeeenka Wasaradda arrimaha gudaha, Xoghayaha joogta Wasaradda iyo xubno ka socaday ururadda  bulshadda raydka.

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Khaliif Cabdikariin Maxamed ayaa sheegay in guddiga ay qaban doonaan howlo dadka Soomaalidda danahooda ka tarjumaya, isla markaana saldhiga ay u yahay datuurka dalka u yaala.

Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Federaalka Dr Cismaaciil Jimaale ayaa sidoo kale hadlay wadooyinkii loo maray dhismaha guddiga madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, isla markaana sharaxay doorkii ay Wasaaraddu arrintaasi ka geysatay.

Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xaaji Cali Sheekh Maxamed ayaa kula dar daarmay inay ka shaqeyaan howlaha loo idmaday, isla markaana ay si daacadnimo ku jirto u gutaan howsha adag ee ay Ummadda Soomaaliyeed uga wakiilka ka yihiin.

Guddiga madaxa banan ee Xuduudaha iyo Federaalka ayaa horey u soo dhistay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka waxaan meel mariyey barlaamanka Soomaaliya oo asixiyey gudiga oo ka koobana sagaal xubnood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here