Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo la kulmay Guddiga Barlamaanka ee diyaarinta xeerarka dhammeystirka shariciga doorashooyinka

Kulankaan  Guddiga  Madaxa banaan ee dooraashooyinka Qaranka  iyo guddiga ku meel gaarka ah ee labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan  Soo diyaarinta xeerarka dhammeystirka sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

Kulan oo ahaa mid wadatshi iyo is xogwareysi ah ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga wadajirka ee diyaarinta xeerarka dhammeystiraya sharciga doorashooyinka mudane Ibraahim Isaaq Yarow waxaana looga wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howlaha horyaalla guddiga.

Dhawaan ayey ahayd markii guddoonka labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka ay magacaabeen Guddiga wadajirka ku meelgaarka ah ee soo diyaarinta xeerarka dhamaystirka u ah sharciga doorashooyinka Qaranka oo uu  bishii hore saxiixay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here