Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo magacaabay Xildhibaannada u qaabilsan doorashada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Barlamaanka Hirshabeelle Dr. Cabdixakiin Luqmaan Xaaji ayaa magacaabay 15 xubnood oo ka shaqeyn doona qabashada doorashada Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee ka imaanaya Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa lagu shaaciyay magacyada 15-ka Xildhibaan ee u qaabilsan qabashada doorashada Golaha Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle

Markuu arkay: Qodobka 34aad iyo 41aad ee Dastuurka Dowlad Goboleedka                    Hirshabeelle.

Markuu arkay: Qodobka 13aad iyo 50aad ee xeer Hoosaadka      Baarlamaanka Hirshabeelle.

Markuu qiimeeyay: Aqoonta iyo Khibradda ay xubnahan u leeyihiin arrimaha doorashada

Wuxuu xubnaha hoos ku xusan u magacaabay guddiga qabashada doorashad Aqalka Sare.

  1. Xildhibaan Feysal              Axmedweli          Xasan           Guddoomiye
  2. Xildhibaan Maxamuud       Axmed               Gacal            Guddoomiye ku-xigeen
  3. Xildhibaan Cali                 Cismaan             Ibraahim       Xoghayn
  4. Xildhibaan Maxamuud      Wabar               Xasan              Xubin
  5. Xildhibaan Cabdifataax    Muuse                Ibraahim        Xubin
  6. Xildhibaan Xaliima           Cali                   Saciid             Xubin
  7. Xildhibaan Aadan Barre  Maxamed            Muuse             Xubin
  8. Xildhibaan Saadaq          Mukhtaar           Cabdulle          Xubin
  9. Xildhibaan Axmed            Cali                Abuukar            Xubin
  10. Xildhibaan Cali                Caddow          Jibriil (Alkutubi) Xubin
  11. Xildhibaan Xasan            Cali                Cabdullaahi         Xubin
  12. Xildhibaan Cumar           Maxamed       Cumar (Cumar gaabow) Xubin
  13. Xildhibaan Cumar          Maxamed        Soomane       Xubin
  14. Xildhibaan Cabdullaahi   Daahir             Calasow        Xubin
  15. Xildhibaan Maxamed       Ibraahim        Maxamed (Xiirane)  Xubin

Halkan ka akhriso lifaaqa Wareegtada