Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo u hambalyeeyay Gudddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka

837

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa Hambalyo u diray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dhawaan ay Xildhibaannada Goluhu u doorteen Guddoomiyenimo.

“Waxaan aniga oo ku hadlaya magaca Xildhibaannada Baarlamaanka Hirshabeelle iyo kan Guddoonka hambalyo u dirayaa Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacbaka Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaan Alle uga baryeynaa in uu ku guuleysiiyo xilka adag ee loo doortay, aniguna markasta garabkiisa ayaan taaganahay” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Cismaan Barre.

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here