Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo sheegay inuu xirmay Kalfadhigiii Saddexaad ee Golaha Shacabka

0
564

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka ku wargeliyay in kalfadhigii Saddexaad ee Golaha Shacabka uu xirmay 10-ka bishan luulyo oo shalay ku beegneyd.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xildhibaanada u rajeeyay nasiino wanaagsan, waxaana xildhibaanada ay soo laabanayaan 10-ka September 2018, sida ku cad warqada ka soo baxday xafiiskiisa.

Kalfadhigan 3-aad ayaa waxaa 10-kii Maarso ee sanadkan furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Sida uu dhigayo Dastuurka KMG ah ee dalka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sanad walba waxa ay yeeshaan laba kalfadhi, iyada oo kalfadhi kasta oo ka mid ah kalfadhiyada uu soconaya mudo ku siman Afar bilood.

Warqada fasaxa ee xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa la ogeysiiyay Golaha Wasiirada Soomaaliya, Guddoomiyaha Golaha, Aqalka Sare iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here