Guddoomiyaha Barlamaanka Maamulka Galmudug oo maanta la dooranayo

1059

Magaalada  Cadaado ee Gobolka Galgaduud, ayaa lagu wadaa maanta in ay ka dhacdo doorashada Guddoomiyaha Barlamaanka maamulka Gal-Mudug uu yeelan doono, iyadoo murashaxiinta xilkaasi u taaganna ay wadaan ololohoodii ugu dambeeyey.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka uga soo warrama  degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud Maxamuud Cabdi Diirshe ayaa soo sheegaya in Saacadaha soo aadan lagu wadaa inay dhacdo doorashada Guddoomiyaha Barlamaanka Maamulka Galmudug uu yeelan doono iyo kuxigeenadiisa.

Musharrixiinta u taagan  qabashada xilka Guddoomiyaha Barlamaanka  iyo kuxigeenadiisa ayaa gaaraya illaa iyo Sadax Mas’uul kuwaas oo hadda  Ololihii ugu dambeeyay ee doorashadooda Wada.

Ammaanka goobta doorashada ay ka dheceyso ayaa si weyn loo Adgeeyay, iyada oo xubnaha dooranaya guddoomiyaha barlamaanka iyo kuxigeenadiisa ay diyaar u yihiin  inay doortaan mas’uulka ay u arkaan inuu matali garo dadka dega gobolada mudug iyo galgaduud.

Wixii faafhfaafin ah ee la xiriirta  Doorashada Guddoomiyaha Barlamaanka Maamulka Galmudug iyo kuxigeenadiisa  dib kala soco.

 

 

 

 

 

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here