Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar Jajab oo xilka la wareegay

Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir , Ururada Bulshada iyo Marti sharaf kale ayaa kasoo qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Guddoomiyaha cusub ee Maamulka Degmada Xamar jajab Mudane Ismaaciil Mukhtaar Cumar (Oranja).

 

Guddoomiyihii hore ee degmada Xamar  Jajab Cabdiwali Cabdullaahi Maxamed ayaa u mahadceliyay Maamulkii ay soo wada shaqeeyeen iyo shacabka degmada.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar jajab mudane Ismaaciil Mukhtaar Cumar (Orenja)  ayaa sheegay in uu la imaan doono waxqabad muuqdo waxa uuna ka hadlay marxaladaha adag ay haweenka Soomaaliyeed ku shaqeeyeen.

Wasiir ku-xigeenka gaashaandhiga Cabdullaahi Colaad Rooble, Wasiir ku-xigeenka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada ee dowlada Soomaaliya Saqar Ibraahim Cabdalla iyo Xildhibaanad Samsam Daahir Maxamuud ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar Jajab inuu isbedelo horumarineed kusoo kordhiyo Degmada Xamarjajab.

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here