Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Iyo Wafdi uu Horkacayo Oo Swistzerland Lagu Soo Dhaweeyay(Sawirro)

0
2076

Gudmoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane XasanMaxamed Xusein “Muuungaab ” ayaa caawa si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Zurich ee Dalka Switzerland, waxaana Asaga iyo Wefdigiisa loo GelbiyeyMagaalada Baden oo lagu wado inuu halkaasi kula Kulmo Mas’uuliyiin  uu horkacayo Duqa magaaladaasi BADEN, ahna xubin Katirsan Baarlamaanka Sitzerland  Islamarkaana Dowlada Swiss  una qaabilsan Arimaha Dibada Baarlamaanka.

Gudoomiye Muungaab iyo xubnaha Wefdigiisa ayaa waxaa Garoonka
Magaalada Zurich Kusoo Dhaweeyey Mas’uuliyiinta Hay’adda Swiss Kalmo,Bashiir Goobdoon, Xasan Cismaan  oo Somali Diaspora kasocdey, Bashiir C.qaadir Bootaan oo Isku xiraha Soomaalida iyo Walaalaha Turkiga ka socdey, iyo Rag kaloo ka kala yimid Gobolada Zurich Deriska La ah.

Maalinta Beri ah ayaa Wefdiga Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab iyo Masuuliyiinta  Maamulka Magaada Baden oo uu horkacayo
Duqa magaaladaasi ay wada qaadan doonaan Kulan gaar ah oo lagu mataaneynayo Magaalooyinka Muqdisho iyo  BADEN,  waxaana ajandaha ku jira in Nidaamka Federaalka Swistzerland , nidaamka Axzaabta, iyo qaabka xoojinta Swiss iyo Soomaali ay ka wada hadli doonaan.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa Sidoo kale kulan la qaadan doona Soomalaida  ku nool Dalkaasi si uu ugu dhiirrigaliyo In ay ka qeybqaataan dib u dhiska iyo Maalgashiga dalka Soomaaliya kadib markii Muqdisho ay ku talaabsatay Nabad iyo Degganaasho sababtay in uu Caalamkii dib ugu soo laabtay soomaaliya

Wafdiga Gudoomiyaha ayaa ugu dambeyntii la kulmi doona Masuuliyinta Wasaradda Arimaha Dibadda Dalkaasi Swistzerland iyaga oo ka wada hadli doona Xoojinta Xiriirka Soomaaliya iyo Swiss.

IMG_2603 IMG_2604 IMG_2615

 

IMG_2718 IMG_2735 IMG_2770 IMG_2771

Sawir Qaade :Fahad M. Abukar

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here