Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Beeniyay Inuu Xaruntii Hore ee Baarlamaanka Bixiyay

2567

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcale ayaa been abuur ku tilmaamay in maamulka gobolku uu dhismihii hore ee Baarlamaanka ku wareejiyay Telefishanka Universal.

Wuxuu tilmaamay in si khaldan loo fasiray tallaabada maamulka oo ah in la soo celiyo bilicda xarunta, ayadoo lala kaashanayo hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo ganacsatada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu ka codsaday Universal in ay kala qeyb qaataan dib u hagaajinta xaruntii hore ee Baarlamaanka, uuna ka aqbalay. Xaruntaan waxaa loo beddeli doonaa jardiin lagu nasto oo dhir leh, sida uu maamulku tilmaamay.

“Haddii aan ku heshiino inaad gurigaan iiriddiisa (albaabkiisa) xaaqdid, micnaheedu maaha inaan kugu wareejiyay” ayuu yiri guddoomiye Yuusuf.

Sidoo kale duqa Muqdisho ayaa bulshada ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nadaafadda, isla markaana ay yareeyaan waxyaabaha bilicda wax u dhimaya sida bacaha oo kale.

FB_IMG_1450039067583

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. Gudoomiyaha meeqa afuu leeyahay markii uu xaalka ku xumaaday ayaa yiri mawareejinin markii hore uu tvga ayey si cad ugu sheegeen hadana markii lagu fahmay aniga madhihin ayuu leeyahay hal bil keleya ayuu joogaa markiibo wuxuu bilaaway wax isdawo marin yaa la aaminaa dadkii oo dhan dhuunta ayey kawaasheen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here