Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeeray xarunta baadi qabadka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray xarunta Baadi qabadka Dowladda Hoose  ee Xamar.

Duqa Muqdisho ayaa waxaa xarunta kusoo dhaweeyay Taliyaha ciidanka ilaalada degaanka Xamar, wuxuuna ku wareejiyay laba gaari oo loogu tala galay xarunta si ay ugu fududaato howlahooda shaqo.

Xaruntan ayaa ah mid loogu talagalay in lagu xareeyo xoolaha magaalada dhex daaqeysa, si loo ilaaliyo bilicda caasimadda dalka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here